Kheirat Trade Exports and Imports

0 Bur bur xoogan oo lada dareemayo wadooyinka iska xira Gobolada dhexe ee dalka Soomaalia.



wada burbursan
Hiiraan-Gelinsoortimes-28-11-11-Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka ka howlaga gobolada dhexe ee dalka Soomaalia ayaa cabasho xoogan ka muujiyay bur bur lixaad leh oo soo gaaray wadada laamiga ah ee isku xirta gobolada Banaadir iyo Hiiraan.
 
Meelaha laga dareemayo bur burka  soo gaaray wadada ay ku safraan wadayaasha gaadiidka ayaa waxaa ka mid ah wadada laamiga ah ee ka timaada dhinaca Gobalka banaadir ee soo dhex marta Gobalka Sh/dhexe,si toos ahna usoo gasha gobalkaasi hiiraan.
 
Arinta bur burkan soo gaaray wadadaasi laamiga ah ayaa waxaa uu ka dambeeyay ka dib markii in muda ah aysan helin wax dayactir ah oo ku filan tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay dowlada dhexe ee Soomaalia sanadii 1991kii.
 
Wadada isticmaalkeeda uu haatan ceriiriga ku yimid ayaa waxay halbowle rasmi u tahay isu socodka ganacsiga gobolada koonfurreed iyo kuwa waqooyi ee dalka Soomaalia,taasi oo ah mid qudrada noocyadeeda kale ee koonfurta laga keeno si iib ah loo geeyo suuqyada waqooyiga dalka Soomaalia.
 
Qaar ka mid ah darawalada ka xeysa gaadiidka xamuulka ee ku safarta wadadaasi laamiga ah ayaa ku baaqay in wax laga qabto dhibaatada xiligan ka jirta wadadaasi,waxayna dhinaca kale ay sheegeen in maamulka ka jira dalka Soomaalia ay wax ka qabtaan dhibaada wadadaasi laamiga ah.
 
Sidoo kale Arintan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo dhawaan biyo ka soo fatahay webiga shabelle ay saameyn xoog leh ku yeesheen wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ee ka kale tirsan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan.
 
Hadaba dad badan oo ka mid ah shacabka ku dhaqan gudaha wadanka Soomaalia ayaa ka dhiidhinaya sida ay ku suura geli karto cida u taagan in ay wax ka qabato bur burkan xoogan ee ka muuqda wadadaasi laamiga ah ee halbowlaha muhiimka ah u ah isu socodka gaadiidka xamuulka ah.
 
Cumar-Somane-Gelinsoortime
[Read More...]


Categories

Recent Comments

Return to top of page Copyright © 2011 | Platinum Theme Converted into Blogger Template by Hack Tutors